Xisbiga WADAJIR oo war ka soo saaray go’aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdushakuur ayaa war ka soo saaray shirkii xalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Dhuusamareeb ee warkii.com maamulka Galmudug.

Qoraalka ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey qodobada ka soo baxay shirkaasi oo looga hadlay arrimaha doorashada 2020/2021-ka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu si gaar ah u boggaadinayo in lagu heshiiyey in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loogu talagalay, si uusan u dhicin muddo kororsi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in guddiga farsamo ee loo saarayo hanaanka doorashada inay ballaariyaan wada tashiyadooda, kuna soo daraan dhammaan dhinac ay quseyso.

Ugu dambeyn xisbiga Wadajir ayaa ka dalbaday beesha caalamka inay taageerto heshiiska ay hoggaanka Soomaalida ku gaareen magaalada Dhuusamareeb.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII