Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo Go’aano xasaasi ah ka soo saaray xaalad soo cusboonaatay

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda deegaanada Hirshabeelle iyo halka ay haatan wax marayaan.

Xildhibaanadan shirka isugu yimid oo gaaraya 30-Xildhibaan ayaa si gaara ah diirada u saaray wararka sheegaya mooshin la sheegay in laga dayaarinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Magalada Jowhar ayaa sidoo kale maalmahan waxaa ka dhacayay kulamo kala duwan,waxaana aad looga hadal hayaa mooshin la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ay ka wadaan guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Waxaa kaloo xusid mudan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen kaas oo salka ku haya qabsoomida kulamada Baarlamaanka oo uu soo xiray Guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Wali wax war ah kama soo bixin Xildhibaanada shirka yeeshay mana jiro go’aano ay ku mideysan oo ay soo saareen,waxayna arrintaan ku soo beegmeysaa iyadoo haatan si aad ah loo dareemayo khilaaf soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here