Xildhibaano ku kacsan DF oo ku wajahan Dh/mareeb & shirar Xasaasi ah oo socda

Xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga doorto degaanada maamulka Galmudug ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda Guddiga Wasaarada Arrimaha Soomaaliya ay u Magacowday Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada maanta ku wajahan Magaalada ayaa ah kuwo saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay tagitaankooda Dhuusamareeb in uu waji cusub u yeeli doono Xaaladda maamulka Galmudug.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna ayaa waxaa soo gala dhex galay Khilaaf xooggan oo sababay in Galmudug ay yeelato labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Ahlusunna.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here