Xildhibaan Odawaa oo shaaciyay 3-talo oo lagu xalin karo marxaladda Xasaasiga ah ee Galmudug

0

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Xasan Sheikh ayaa sheegay in meel Xasaasi ah ay haatan mareyso Dowladda Goboleedka Galmudug loona baahan yahay in loo wada turo.

Xildhibaan Odawaa oo hadda ku sugan magaalada Cadaado kana mid ah Xildhibaanada ka aragti ahaan dhaliilsan Villa Soomaaliya ayaa soo jeediyay saddex talo oo muhiim ah oo jawi wada noolaansho loogu wada raadin karo shacabka Galmudug.

Wuxuuna Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dowrkeedka keliya uu noqdo isku soo dhoweyn uusan noqon kala fogeyn iyo abuurid qalalaaso siyaasadeed.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraal uu Bartiisa Facebooka soo dhigay.

Isma -hurtooy ha is haleyn

Dowlad goboleedka Galmudug waxa uu marayaa waqti xasaasi ah ayna tahay inaan u wada turno.

Si taas loo helo waxaan soo jeedin lahaa:

In dadka deegaankan wadi dagani wadatashi nabadeed oo lagu raadinayo is-fahan siyaasadeed gaaraan.
In dowladda federaalka ahi, ahaado dowrkeedu isu soo dhaweyn iyo isu soo jiidjiid ee uusan ahaayn kala fogeyn iyo iska horkeen.
In doorasho hogaan cusub la wada qabto ayadoo loo wada dhan yahay oo aan magaalooyin ama kooxo gaar ahi wax is bidin.
Hadaba waxaa na hortaal inaan kala dooranno mustaqbal aan wada leenahay iyo mid nin iska celis ah oo saameyntiis fog nagu reeba.

Maanta aan la nimaadno isu tanaasul, is dhagaysi iyo isu garaawshiyo oo aan samayno wax anaga nala qaraar oo ilmaheena u roon waana inaan isu tanaasulnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here