Xildhibaan Fiqi Oo Halis Dawlada Ka Dhex Jirta Ka Digay & Waxa Uu Qoonsaday

Tan iyo markii ay soo baxday in lasii daayey Sargaal katirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa waxa soo kordhaya dhaleeceynta ku aadan Qaabka aaminaad loogu sameyn karo Hay’adaha Garsoorka Dalka.

Ciise Tarabuun ayaa la sheegay in uu ahaa mid sameyntiisa Amniyaat-ka Al Shabaab ay muuqatay islamarkaana uu ahaa Xubin Qeybta Dilala Caan ku ahaa.

Waxa Dhawaan soo baxday in lasii daayey,xogtaan waxaa laga war helay kadib markii Sirdoonka Kenya ay sheegeen in ninkaasi uu Dalkeeda soo galay.

Hadaba Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay sida loo sii daayey Ciise Tarabuun.

Waxa Madaxii Hore Ee nabad sugida Soomaaliya Axmed Fiqi uu sheegay in Jawaab Waafi ah laga rabo Hay’adaha Garsoorka inay soo cadeeyaan qaabka loo sii daayey Ciise Tarabuun oo Fal dambiyeedyo badan ku lug laha.

Halista lagu qabi karo Hay’adaha Garsoorka ayuu sheegay inay sii banana keeneyso oo xubnaha Shabaabka ah la iska sii deynayo,laguna qanci Karin Warqadii Saacado ka hor lasoo saaray Ee lagu sheegay in Ciise Tarabuun uu Xukunkii dhameystay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here