Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug dhibaato ba’an ku haaya Xayawaanka AYAXA,kaas oo ku duldagay deegaanada Galmudug,,isla markaana daaqii xaalufiyay,waxaana dhibaatadaas baaq kazoo saaray Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah musharixiinta Galmudug ayaa sheegay in dadka reer Galmudug gaar ahaan Beeraleyda uu dhibaato ku haayo AYAXA loona baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa uu sheegay in AYAXA uu xaalufiyey dhul daaqsimeed farabadan oo dadka beeraleyda ay ay beerteen,isla markaana ay cabasho u soo gudbiyeen dadka uu matalo ee reer Galmuudg.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu ugu baqay Madaxda dowlada federaalka iyo hay’adaha caalamiga in ay gargaar la gaaraan dadka reer Galmudug si loo badbaadiyo nolosha dadka xoola dhaqatada ah ee AYAXANI dhibaatada ba’an ku hayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here