Xiisad Saakay Ka Taagan Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

Shabakada Wararka Warkii Online ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Jala-laqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay taliyaha booliiska degmadaas.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale uu shaqa joojin ku sameeyay taliyaha saldhiga,kadib markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska oo isaga ka amar qaata iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Taliyaha ayaa ka hor yimid xilka-qaditaas isaga oo amray ciidamada in ay gutaan shaqooyinkooda cid aan taliyaha booliiska gobolka aheyna aysan shaqo joojin ku sameyn Karin isaga.

Dhinaca kalana guddoomiyaha gobolka Hiiran oo shalay gaaray Jalalaqsi ayaa dib ugu laabtay magaalada Beledweyn kadib markii uu ku guul dareystay in uu xaliyo xiisadii u dhaxeysay ciidamada Jabuuti iyo kuwa booliiska Hirshabelle.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here