Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaano duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega halkaas.

Xiisadan ayaa timid kadib markii gelinkii dambe ee shalay dagaal Culus uu labada Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Labadule oo Dhuusamareeb qiyaas ahaan u jira 23-KM,waxaana ay isku adeegsadeen hubka kala duwan.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac,waxaana halkaas ku geeriyootay lix ruux oo la tilmaamay inay yihiin dad ka tirsan Maleeshiyaadka dagaalamay,halka tiro kalena dhaawac uu soo gaaray.

Deegaanka Labadule ee ku yaalla Magaalaa Dhuusamareeb ayaa saakay waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay xiisad Colaadeed oo u dhexeeyay dhinacyadii dirirtu dhexmartay,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay dareemayaan Cabsi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here