Xifaaltanka Kheyre & Farmaajo Oo Dhuuso mareeb Laga Dareemayo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Waa hubaal in dadka badankood ay ka dharagsan yihiin in madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay is hayaan marka la eego Nuuca Doorasho ee dalka ka dhaceysa.

2020/2021-ka Doorashada loo filayo Soomaaliya waxay noqotay mid ay ku kala fogaadeen Madax badan oo quudareynayey hanqal taagna ugu jiray Xilka ugu sareeya Dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Labo Isbuuc ka hor waxa uu sheegay isagoo shirkii golaha Wasiirada ka hadlayey in Doorasho Waqtigeeda ku dhacda ay doonayaan.

Waxa uu shaaca ka dhigay in Muddo kororsi aysan ogolaan doonin,islamarkaana ay rajeynayaan in doorashada xilligeeda ku dhacdo.

Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ayaa culeys kala kulmi kara Kheyre oo aysan isku falsafad aheyn nuuca doorasho,waxaana Lateliyeyaashiisa Kheyre uu ugu yeeray dhuuso mareeb.

Abuukaato C/llaahi Dhageey iyo Dr C/raxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa hadda jooga Dhuuso mareeb,xilli iyaguna Kabiirada siyaasada Madaxweyne Farmaajo ay utabaabusheysteen shirkaasi.

In kulanka Madaxda Dawlada Gobolleedyada iyo Madaxda Qaranka dhaco oo lagu heshiiyo doorasho wada ogol ku timaada waa ajandaha kheyre iyo Cabdi Xaashi rabaan.

Balse Gudoonka Golaha Shacabka ayaa u arka in Dawlad Gobolleedyada lagala hadlo nuuca doorasho ee dalka iyadoo la meel mariyey sharcigii doorashooyinka Qaranka ay qalad tahay.

Xagee Dalka loo jiheyn doonaa marka loo eego Xifaaltanka Dhuuso mareeb ka jira iyo waxa laga filan doono oo la wada sugayo?


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII