Xidigaha ku Fashilmay iyo kuwa Qatarta ku ahaa Garoonka Kulankii Young Boys Vs Manchester United

Goolkii daqiiqadii 95aad ee uu dhaliyay Jordan Siebatcheu ayaa ku hogaamisay BSC Young Boys guul 2-1 kaga badiyeen Manchester United kulankii UEFA Champions LeagueCristiano Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay United, iyadoo Nicolas Moumi Ngamaleu uu u barbareeyay kooxda martida loo ahaa.

qalad uu sameeyay Aaron Wan-Bissaka ayaa keentay in kooxda United ay 10 Ciyaaryahan ku ciyaaraan kadib markii kaarka cas la siiyay xidigan.

Waxaa halkan ku Qiimeeneynaa Xidigaha Fashilmay iyo kuwa Qatarta ku ahaa Qaroonka.

#1 : Top: Cristiano Ronaldo

Waxa uu ahaa Xidig garoonka ka dhex muuqday isagoo kooxda ku hogaamiyay in ay daqiiqadii 13aad ciyaarta la wareegto, waxa uu sidoo kale abuuray kubado.

#2 Flop: Aaron Wan-Bissaka

Aaron Wan-bissaka ayaa kamid ahaa xidigaha caawa ku fashilmay garoonka kadib kaarka caasaanka ee lasiiyay.

#3 Top: Jordan Siebatcheu

Xidigan ayaa ahaa mid aad u wanaagsan kadib goolkiisa cajiib ahaa ee uu ku bar-bareeyay United Daqiiqadii 66aad, Weeraryahanka Mareykanka ayaa muujiyey degganaansho aad u wanaagsan

#4 Flop: Jesse Lingard

Waxa uu ahaa mid ku fashilmay ciyaarta isagoo kubad qalad ah gadaal u baasay waxana uu sabab u ahaa in dhamadka ciyaarta gool laga dhaliyo united isla markana laga badiyo.

#5 Hit: Nicolas Moumi Ngamaleu

Daqiiqadii 95aad ayuu goolka guusha ka dhaliyay united waxana uu kamid aha xidigaha aadka uga muuqday garoonka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com