Xidiga ugu Feecan Todobaadkan Champions league-ga oo lagu dhawaaqay

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ciyaaryahankii ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa Champions League toddobaadkan oo ahaa midka la ciyaarayay kulamada wareegii labaad ee heerka Group-yada tartankaas.

Afarta xiddig ee ku loolamayay doorkaas ayaa ahaa garabka kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane, daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar, weeraryahanka SL Benfica ee Darwin Nunez iyo goolhayaha kooxda Sheriff ee Athanasiadis.

Guuleystaha ayaa noqday goolhaye Athanasiadis oo ah shabaq ilaaliyaha kooxda yar ee mucjisada ah ee Sheriff oo guul dahai ah Estadio Santiago Bernabeu kaga gaadhay Real Madrid oo ay 2-1 uga adkaatay.

Goolhaye Athanasiadis ayaa ciyaartaas uga dhaartay Real Madrid fursado dahabi ah inay shabaqa la gaadhaan isaga oo 11 badbaadinood sameeyay isla markaana goolka laga dhaliyay uu ahaa rigoore.

Halkan Ka Daawo Bandhigii Goolhaye Athanasiadis Ee Toddobaadkan

🥇 Sheriff hero Giorgos Athanasiadis crowned #UCL Player of the Week 👏👏👏#UCLPOTW | @PlayStationEU pic..com/p34AdKYCSX

— UEFA Champions League (@ChampionsLeague) September 30, 2021

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com