Xidiga ugu feecan Premier League ee Bisha Agoosta oo lagu dhawaaqay

Xiddiga Kooxda West Ham ee Michail Antonio ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican bishii August kadib markii uu jabiyay rikoodh kooxdiisa West Ham ahaa.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 4 gool 3 kalena caawiye ka noqday 3-dii kulan ee la ciyaaray.

Xiddiga ayaa dhigay rikoodh premier League ah isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda West Ham ee horyaalka premier League.

Xiddiga Michail Antonio ayaa ku guulaystay abaalmarinta isaga oo ku garaacay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay bishii August ee la soo dhaafay.

Xiddiga ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Marcos Alonso, Said Benrahma, Eric Dier, Demarai Gray & Mason Greenwood kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta xiddiga ugu fiican.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com