Xidiga Manchester City Riyad Mahrez oo lagu ganaaxay Gaarigiisa oo Xawaare ku waday

Laacibka kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa lagu ganaaxay wadista baabuurkiisa kaddib markii lagu qabtay xawaare dhan 120mph oo ah waddo weyn, sida ay wararku sheegayaan.

30 jirkaan, sida ay qortay The Sun, waxaa la arkay isagoo si cad u jebinaya xadka gaariga ee M6-waxaana hadda ganaaxay garsoorayaasha.

Mahrez ayaa la rumeysan yahay in lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan £ 2,500 waxaana laga horjoogsaday waddooyinka muddo 56 maalmood ah.

Gaarigiisa Audi RS6, oo ah gaari qiimihiisu dhan yahay £ 100,000 ayuu Mahrez ku galay dambiga bishii May ee sanadkii hore.

Xawaaraha ayaa la sheegay inuu dhacay xilli uu ku sii jeeday dhanka koonfureed oo u dhow isgoyska 11 ee Cannock, Staffordshire.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com