Xidig Taariikh Weyn ku leh kooxda Liverpool oo geeriyooday

Murugo iyo baroor-diiq ayaa u bilaabatay kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib markii la xaqiijiyey inuu geeriyooday xiddig weyn oo ku suntanaa taariikhda kooxdan iyo xulka qaranka England.

Liverpool oo ku sugan waddanka Portugal oo ay kula soo ciyaarayso FC Porto kulanka labaad ee Champions League ayaa waxa ka daba tegay war ay ka naxeen oo sheegaya in aanay mar dambe arki doonin laacib ugu suntanaa taariikhda oo ka mid  ahaa calaamadahooda.

Tababare Jurgen Klopp iyo xiddigaha Liverpool ayaa tacsi u diray ehellada iyo taageereyaasha, waxaana la filayaa in kulanka caawa ee FC Porto ay gacanta ku xidhaan maro madow, halka ciyaarta Axadda ay Manchester City ku qaabbili doonaan Anfield ay noqon doonto mid la aamusi doono daqiiqado.

Xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo Liverpool ee Rogger Hunt ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday isaga oo ay da’diisu ahayd 83 jir.

Laacibkan hore oo ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka England u qaaday Koobkii Adduunka 1966,  isla markaana saftay lixdii ciyaarood ee qarankiisa ee intii uu socday tartankaas, una dhaliyey saddex gool ayaa dunida macasalaameeyey.

Xulka qaranka Englan ayuu u ciyaaray intii u dhaxaysay 1962kii illaa 1969kii, waxaanu u dhaliyey 18 gool 34 kulan oo uu saftay.

Rogger Hunt oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Liverpool, waxa uu muddo 11 sannadood ah ka ciyaaray Anfield isaga oo u saftay 492 kulan una dhaliyey 285 gool. Waxa  uu waqtigaas u qaaday laba horyaal iyo FA Cup.

245 ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyey horyaalka, mana jiro ciyaartoy kale oo tiro goolal intaas le’eg oo horyaalka ah u dhaliyey Liverpool. Sannadkii 1972kii uu Rogger Hunt ka  tegay Liverpool oo uu u wareegay Bolton Wanderers oo saddex sannadood oo uu u ciyaaray uu iyagana u dhaliyey 24 gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com