Xidig ka tirsan Liverpool oo Halis ku jira kadib Afganbi ka dhacay Dalkiisa

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si joogto ah ula xidhiidhaysa xiddigeeda khadka dhexe ee Naby Keita oo ku go’doonsan waddanka Geuinea ee uu ka dhacay inqilaabka milateri, halkaas oo uu u tegay inuu dalkiisa u ciyaaro balse ay ku dhacday qabtii Sabtidii.

Naby Keita ayaa u dhashay waddanka qaska siyaasadeed ka taagan yahay ee Guinea ee milaterigu ay la wareegeen, waxaanay ahayd in Isniinta maanta ay martigeliyaan Morocco oo ay ku ballansanaayeen kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka, laakiin xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa go’aamiyey in dib loo dhigo ciyaarta maadaama laacibiintii reer Guinea ay ku xayiran yihiin dalkooda kuwa Morocco na aanay iman karin.

Xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita ayay Liverpool ka walaacsan tahay noloshiisa iyo badqabkiisa, waxaanay sidoo kale ka fikirayaan sidii uu laacibkani dib ugu soo duuli lahaa UK ee uu kooxdiisa ugu laaban lahaa.

Liverpool ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay awoodi weyday inay faahfaahin rasmi ah ka bixiso ciyaartoygan iyo sida ay u qorshaynayso inuu dib ugu soo laabto.

Qoraalka ay soo saartay kooxdu ayay ku tidhi: “Waxa aanu xidhiidh joogto ah la leenahay Naby, waxaananu sidoo kale si joogto ah ula xidhiidhaynaa maamulka xulka qarankiisa. Waxa aanu ku kalsoonahay inuu nabadqab yahay oo ay daryeelayaan.”

“Way iska caddahay in xaaladdu ay adag tahay, waxaananu sii wadaynaa in aanu si joogto ah ula hadalno masuuliyiinta, waxaananu kala shaqanaynaynaa sidii aanu Naby dib ugu soo celin lahayn Liverpool isaga oo badqaba.”

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here