Xiddigii Garoonka, Laacibkii Ugu Liitay Garoonka Iyo Qiimaynta Kulankii Crytal Palace vs Chelsea

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Chelsea ayaa guul ay ku rafaadday kasoo gaadhay Crystal Palace oo ay marti ugu ahayd Selhurst Park, waxaanay kusoo garaacday 3-2.

Libintintan waxa Chelsea ku hoggaamiyey Olivier Giroud oo daqiiqaddii lixaad goolka koowaad u dhaliyey iyo Christian Pulisic oo mid labaad ku daray ka hor intii aanay Palace soo laaban ee aanu gool qurux badan u dhalin Wilfried Zaha daqiiqaddii 34aad.

Tammy Abraham oo beddel kusoo galay ayaa goolka saddexaad u dhaliyey Chelsea lix daqiiqadood oo kaliya markii uu ku jiray ciyaarta, waxaanay ahayd daqiiqaddii 71aad, hae yeeshee Christian Benteke ayaa gool ugu jawaabay daqiiqaddii 72aad.

Waqtigii dhamaadka ayay Crystal Palace ku dhowaatay inay goolka barbarraha keento, laakiin nasiibka ayaa u adeegay.

Guushani waxay Chelsea siisay inay soo gasho kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, iyadoo laba dhibcood ka horreysa Leicester City oo Arsenal la ciyaaraysa.

Crystal Palace ayaa iyaduna u dhacday kaalinta 14aad.

Xiddigii garoonka

Christian Pulisic oo gool dhaliyey ciyaarta oo dhanna khatar ku ahaa Crystal Palace ayaa loo doortay xiddigii garoonka, waxaanu kaga guuleystay Van Aanholt oo Palace difaaca u jooga isla markaana ciyaar fiican soo bandhigay.

Pulisic iyo Van Aanholt waxay qiimaynta kulanka ka heleen darajada 8, waxaase loo go’aamiyey xiddignimada Pulisic.

Gary Cahill oo goolka hore ee Chelsea diciifnimadiisu sabab u ahayd, kaddibna lagu saaray dhaawac ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay garoonka, waxaanu helay qiimaynta ugu hoosaysa oo ahayd 4, mana jirin laacib kale oo qiimayntiisa oo kale helay.

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood

Crystal Palace: Guaita (6), Ward (5), Van Aanholt (8), Dann (6), Cahill (4), McArthur (6), Kouyate (6), Milivojevic (6), Zaha (7), Ayew (6), Benteke (7).

Beddelka: Sakho (6), Meyer (n/a), Townsend (n/a), McCarthy (n/a).

Chelsea: Arrizabalaga (7), Azpilicueta (6), James (6), Christensen (6), Zouma (7), Gilmour (6), Mount (7), Barkley (6), Willian (7), Pulisic (8), Giroud (7).

Beddelka: Jorginho (6), Abraham (6), Loftus-Cheek (6).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII