Xiddigihii Ugu Wanaagsanaa Ee Barcelona, Messi & Cruyff & Ronaldinho Oo Laga Horreeyo Iyo Cod Loo Qaaday Halyeeyadii Camp Nou Ugu Fiicnaa Abid

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Halyeyga reer Argentine ee Diego Maradona ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda kooxdaas, waxaana sidaa lagu go’aamiyey afti laga qaaday taageereyaasha kooxda.

Lionel Messi oo ah ciyaartoyga ugu goolasha iyo guulahaba badan Barcelona ayaa lagu garaacay kaalmaha moowaad iyo labaad oo ay kala galeen Maradona iyo Ronaldinho, laakiin halyeyga magaca kooxda ku suntan ee John Cruyff ayaa hoos ugu sii degay kaalinta afraad.

Codbixin laga qaaday taageereyaasha Barcelona oo ay samaysay shabakadda qiimaynta ee Ranker ayaa waxa lagu kala saaray xiddigihii ugu fiicnaa ee abid xidhay shaadhka kooxdaas, waxaana codadka ugu badan helay Diego Maradona oo sannadkii 1982kii uga soo wareegay kooxda Boca Juniors ee ka dhisan waddanka Argentine, laakiin laba sannadood oo kaliya oo uu Camp Nou ka ciyaaray kaddib ka tegay sannadkii 1984kii, markaas oo ay ahayd xilligii ay xirfaddiisu dunida qabsatay, waxaanu tegay Napoli oo taariikhdeeda kaga suntan yahay xiddigii ugu fiicnaa ee abid u ciyaaray, guulaha ugu badana gaadhsiiyey.

Ronaldinho oo bilaabay guulaha casriga ah ee kooxda sannadkii 2003 ayaa kaalinta labaad soo galay, halka uu Lionel Messi oo muddo 16 sannadood ah xidhan funaanadda Barcelona, una qaaday 10 horyaal oo LaLiga ah iyo afar Champions League uu kaalinta saddexaad u dhacay.

Aftida ay Ranker qaaddya, waxay 582 ka mid ah oo dadkii ugu badnaa u codeeyeen Maradona, waxaanu 100 cod ka horreeyey Ronaldinho oo kaalinta labaad soo galay, helnayna 440 cod.

Halkan ka akhriso ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda Barcelona oo lagu kala sarraysiiyey codbixinta taageereyaasha:

25. Patrick Kluivert (1998-2004)

24. Gheorghe Hagi (1994-1996)

23. Laszlo Kubala (1950-1961)

22. Deco (2004-2008)

21. Michael Laudrup (1989-1994)

20. Victor Valdes (2002-2014)

19. Hristo Stoichkov (1990-1995, 1996-1998)

18. Romario (1993-1995)

17. Ronald Koeman (1989-1995)

16. David Villa (2010-2013)

15. Rivaldo (1997-2002)

14. Samuel Eto’o (2004-2009)

13. Sergio Busquets (2008-present)

12. Dani Alves (2008-2016)

11. Luis Suarez (2014-present)

10. Gerard Pique (2008-present)

9. Neymar (2013-2017)

8. Ronaldo Nazario (1996-1997)

7. Carles Puyol (1999-2014)

6. Xavi (1998-2015)

5. Andres Iniesta (2002-2018)

4. Johan Cruyff (1973-1978)

3. Lionel Messi (2004-present)

2. Ronaldinho (2003-2008)

1. Diego Maradona (1982-1984)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII