Xiddiga Liverpool Andy Robertson Oo Ka Daalay In Lala Barbardhigo Xiddig Arsenal U Dheela

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Daafaca Liverpool Andy Robertson ayaa qirtay inuu si weyn uga daalay in lala barbardhigo xiddiga ay isku wadanka yihiin una dheela kooxda Arsenal Kieran Tierney.

Kabtanka Scotland ayaa aqbalay in labadooda ay isku qaab ciyaareed yihiin madaama ay yihiin daafacyo weerartama.

Sidaasi oo ay tahay wuxuu ka daalay su’aasha saabsan midka labadooda fiican iyo midka qaab ciyaareedkiisa uu fiican yahay.

Advertisements

Labada xiddig ee reer Scotland ayaa ka ciyaara booska daafaca bidix iyagoo tartan ugu jira xulka Scotland.

“Waan kala hadlay arintaan Kieran Tierney hada ka hor” ayuu yiri Robertson.

“Isaga iyo anigaba waan ka daalnay in qof walba uu isbarbardhig nagu sameeyo. Qaab ciyaareed fiican uu midkeen soo bandhigo ayaa keenta in la yiraahdo midkaan ayaa ka fiican kan kale.

“Kaliya waa labo ciyaaryahan oo qaab ciyaareed heer sarre ah soo bandhigaya.

“Waxay noqotaa wax adag marka qof walba oo Scotland jooga uu bilaabo inuu isbarbardhig nagu sameeyo. Tababaraha xulka Steve Clarke isaga ayaa gaaraya go’aanka iyo waxa u fiican xulka.

“Haddii ay ahaayeen laheyd inuu midkeena ciyaarsiiyo iyo haddii uu labadeenaba na ciyaarsiin karo, waana inaan aqbalnaa taas”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII