Xiddig Premier League Ka Dheela Oo Qirtay Inuu Qoomu Luud Yahay Balse Uu Ka Baqayo Inuu Iskashifo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xiddig ka ciyaara horyaalka dalka Ingariiska ee Premier League ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay qoomu luud islamarkaana uu ka baqayo inuu arintaan u sheegay xiddigaha ay isku kooxda yihiin iyo taageerayaasha kubada cagta.

Warqad furan oo uu u qoray maamulka kubada cagta iyo taageerayaasha ayuu ku sheegay inuu qaadayo talaabo weyn oo uu noloshiisa si furan uga waramayo.

Wuxuu qirtay in kubada cagta aysan diyaar u aheyn ciyaaryahan qoomu luud ah isagoo ka baqaya in la ogaado qofka uu yahay.

Warqada furan oo ay soo bandhigeen wargeysyada Ingariiska wuxuu ciyaaryahanka ku yiri: “Waxaan ahay qoomu luud. Inaan xitaa qoro warqadaan waxay ila tahay talaabo weyn.

“Laakiin kaliya xubno ka tirsan qoyskeyga iyo asxaab igu dhowdhow ayaa ka warqabta arintaan. Diyaar uma ihi inaan la wadaago kooxdeyda iyo tababaraheyga”

Ma jiro haatan ciyaaryahan sheeganaya inuu qoomu luud yahay oo ka ciyaara kubada cagta Ingariiska.

Laakiin kabtanka Watford Troy Deeney ayaa aaminsan in koox walba uu ugu yaraan ku jiro hal ciyaaryahan oo qoomu luud ah oo isqarinaya

Wuxuu yiri: “Marka uu midka ugu horeeya is shaaciyo waxaa soo bixi doono kuwa tiro badan”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII