Xiddig Man United U Dheela Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Ugu Kibirka Badan Premier League, Waxay U Dheelaan Liverpool

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddiga Manchester United Andreas Pereira ayaa sheegay in labada xiddig ee ugu kibirka badan Liverpool inay kala yihiin Virgil van Dijk iyo James Milner.

Laacibka khadka dhexe ee Brazil ayaa marna ku jiray marna ka maqnaa shaxda Man United xilli ciyaareedkan isagoo haatan si rasmi ah u waayay booskiisa kooxda.

39 kii kulan uu saftay tartamada oo dhan wuxuu dhaliyay kaliya lix gool sidaasi darteed la yaab ma ahan in taageerayaasha United ay doonayaan in la iibiyo xagaagan.

Advertisements

Laakiin taasi lama micno ahan in Pereira uusan isku dayi karin inuu daqiiqada ugu danbeysa soo jiito taageerayaasha United ka hor inta uusan ak tagin kooxda.

24 jirkaan ayaa waxaa wareystay kanaalka YouTube ee Desimpedidos, waxaana la weydiiyay ciyaartoyda ugu kibirka badan ee uu ka horyimid Premier League.

Pereira ayaa ku jawaabay: “Ma jecli ninkaas, Milner. Runta hadaan ku sheegana ma jecli ninkaas, daafaca Van Dijk. Waa Marrento, xitaa qaabka uu u ciyaaro ayaa isla weyni ah.”

“Marrento” waxaa luqada Portugal lagu dhahaa qof kibir badan oo cawaandi ah.

Xiddiga Man United kaliya ma ahan ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Premier League ee wareysi uu siiyay Desimpedidos ku weerara Van Dijk.

Weeraryahanka Everton Richarlison oo wareysi bixiyay bishii Juun ayaa yiri: “Dadku wax badan ayay ka hadlaan Van Dijk, waa sax waa daafac weyn laakiin kubad waan la garab maray.

“Waxaa loo doortay inuu ka mid yahay seddexda xiddig ee ugu fiican dunida madaama uu xilli ciyaareed fiican soo baray, laakiin aniga ahaan waxaa jira daafacyo ka fiican”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII