Xiddig Lala Xiriirinayo Arsenal Oo Lagu Arkay Isaga Oo Magaalada London Kula Cawaynaya Matteo Guendouzi

0

Xiddig lala xiriirinayo kooxda Arsenal ayaa lagu arkay isaga oo magaalada London kula cawaynaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi sida ay sheegayaan wararku.

Waxa cirka isku shareeray wararka kooxda Arsenal la xiriirinaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lorient kaas oo ay iska soo garab ciyaareen xiddiga Matteo Guendouzi ka hor inta uuna ku soo biirin Arsenal.

Kooxda reer London ayaa la fahamsanyahay in ay ka shaqaynayso in ay 9 milyan kula soo wareegto xiddiga Alexis-Claude Maurice kaas oo ka ciyaari kara saddexda boos ee weerarka iyo waliba No.10-ka khadka dhexe.

Alexis-Claude Maurice Iyo Matteo Guendouzi ayaa iska soo garab ciyaaray tan ilaa markii ay da,yarka ahaayeen waxana ay Arsenal ku rajo weyn tahay in uu xiddigu ku qanciyo in uu kula biiro Emirates xagaagan.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa xiiso ka helayay kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas doonaya adeegiisa laakiin Gunnars ayaa xiddiga Guendouzi u adeegsan doonta in ay ku guulaysato adeegiisa.

Xiddiga ayaa dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkan waxana uu tababare Emery u adeegsan doonaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe si uu ugu tartamo koobab.

Xiddiga ayaa u muuqday mid aad ugu faraxsanaa in uu joogo magaalada London isaga oo wakhti fiican la qaatay xiddiga kooxda Arsenal kaas oo ku jira isku diyaarinta finalka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here