Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo ku wajahan Kismaayo

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Shiikh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafuud ay hoggaaminayan ayaa maanta waxaa ay ku sii jeedan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa ay ka qeyb-geli doonaan  Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha maamulka  Jubbaland.

Dhawaan ayay aheyd markii xayiraad la saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed,kaasi oo ku wajahnaa Magaaladda Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qul qulaya wafuud badan, kuwaasi oo ka qeyb galaya xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe)

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here