Xasan Sheikh oo Villa Somalia ku qasbay iney shaaciso sababta dib loogu dhigay dacwada badda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xiriira dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamada caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynaha dalka xilligii dacwada badda loo gudbiyay maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa is weydiiyay in arrimahan ka soo cusboonaaday dacwada badda inay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xiriirta dacwada Badda.

Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigey bartiisa ugaga hadlay sababaha dib loogu dhigay dacwada badda.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inaysan aqabalayn in marlabaad dib loo dhigo dacwada badda hase yeeshee markii Maxamada IC ay dib ugu dhigtey marlabaad ayay dowladuna si sahlan u aqbashay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here