Xasan Sheikh oo Iftiimiyay Ujeedada Villa Somalia ka leedahay Xoogaga Wadaniyiinta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bilihii u dambeysay aad u dhaliilayay siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aal ka keenay dhalinyarada xoogaga Wadaniyiinta ee laga qoray degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Xoogaga wadaniyiinta ayaa waxaa ay wakiilo ka yihiin degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegaa inay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaataan abaabulka banaanbaxyada dowladda lagu taageeraayo iyo munaasabadaha soo dhaweynta intaba.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in dalka uu leeyahay Afar Ciidan oo kale ah, Ciidamada Booliska,Nabadsugida, xoogga dalka iyo Asluubta ,hayeeshee wixii kasoo hgara ay yihiin kuwo ku Shaqeeya Sharci-darro.

“Baryahaan waxaan maqleynay kuwa leh xoogag wadaniyiinta dadka soomaaliyeed dhamaantood waa wadaniyiin,marka xoogaga wadanioyiinta ee la sheegaayo xagey ka tirsan yihiin,shaqaalaha dowladda miyaa,Ciidan miyaa,Bulshada rayidka miyaa,astaamo aan wanaagsaneyn ayaa ii muuqda ee dowladda waxaa laga rabaa ha sharciyeyso ayuu yiri”Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli weli dowladda Soomaaliya aysan cadeyn cida ay ka tirsan yihiin xogaga wadaniyiinta ee ka Shaqeeya Gudaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here