DAAWO: Xasan Sheekh Oo Fariin Dhaxal gal Ah Udiray Madaxweyne Farmaajo+Khudbadii Maanta

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo jeediyey Khudbad Qayim Ah.

Waxa uu Xasan Sheekh Khudbadii Caleemo saarka Axmed Madoobe uu ka sheegay halkaasi inuu wax badan doonayo in Dalka laga badelo hogaamintiisa.

Xasan waxa uu amaanay Qaabkii doorashada Jubbaland,isagoo sheegay inay aheyd Sharci la rabay in la maray.

Waxa uu madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo fursad kale heysto inta xukunka hayo uuna ka faa’iideysto Soomaalidana isku keeno uuna ka la fogeyn.

Xasan Sheekh Ayaa ku dheeraaday Arimaha Siyaasada isagoo sheegay in Lacagtii dhawaan inay Maqan tahay la sheegay hadana Hanti dhowraha Qaranka la handaday oo warbaahinta Xog kale inuu siiyo lagu qasbay.

Arimaha Galmudug ayuu sheegay Xasan Sheekh in indho lagu farxo kasoo socon,isagoo dembi ku sheegay in Shaqaale Rayidka Dawlada katirsan Gudi ama siyaasad lagu dari Karin.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Axmed Madoobe usoo jeediyey inuu noqdo nin dadka isku wada oo dhabar adeeg uyeesha.

Rajo ayuu ka muujiyey Isbadel doonka Jubbaland wada hadalada Odayaasha ku maqan inay meel dhexe iskugu keenaan oo dhanka Axmed Madoobena la heshiiyaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here