Xasan & Shariif Oo Ka Baaqday Kulankii Maanta Xaliimo yareey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Mogdishu kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan,

Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii Xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahayeen Shahadada radmiga ah.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka shakaysay sida ay ugu dadaaleen in la helo Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee la xariirta doorashada iyadoo hay’adaha ku shaqada leh aan kaga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuruucdaas.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII