Xasan Kheyre oo kalsoonida lagala noqday iyo xukuumadiisa oo dhacday

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Kulankii maanta  ee Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa kaas oo goobjoog ku ahaayeen  Xarunta Golaha  178 Xildhibaan ayaa cod u qaaday Hogaanka Xasan Kheyre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Goordhow  u codeeyay in ay kalsoonida kala noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa adkaan doonta in dib looga noqdo mar hadii ay cod u qaadeen ceyrinta Xasan Kheyre. Mana muuqato gaab uu Xasan Kheyre uga hor imaan karo go’aanka. Talabaada ay maanta qaadeen Xildhibaanada ayaa soo afjarayo mustaqbalka siyaasada ee Xasan Kheyre.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Xasan Kheyre oo kalsoonida lagala noqday iyo xukuumadiisa oo dhacday appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII