XASAASI: Sheekh Shariif oo diidey in uu u hogaan-samo amar uga yimid Beesha Caalamka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa waxa uu ganafka ku dhuftay codsi uga yimid Beesha Caalamka, sidda uu ogaaday Shabakada afka dheer ee Warkii Online.

Dalabka saaxiibadda caalamka ayaa wuxuu ku saabsanaa in uu ugu yimaado Xalane si ay uga wada arrin-sadaan qadiyadda Jubbaland iyo xayiraadii lagu sameeyay safarkisia Kismaayo.

Illo ku dhow Shariif ayaa tibaaxaya in fariin qoraal ah oo uu xalay u diray uu ugu sheegay in uusan fursad u haynin, isla markaana ay bedelaan waqtiga maadaama uusan horey ugu soo talogelin.

Tan iyo markii uu fariinta diray Shariif ayaa nan heli wax jawaab ah oo kaga yimid Saaxiibadda Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay taageero dadban ka haysato Beesha Caalamka, taasi oo u suurogelineysa in ay cadaadis saaraan Jubbaland iyaga oo aanan baalmareyn qaanuunka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here