XASAASI: Doorasho Ay Berri Qabanayaan Baarlamaanka Puntland

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada PL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland,

MARKUU ARKAY: – Dastuurka PL Qodobada 64-aad iyo 117-aad.

MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada PL Qodobka 8-aad faqrada 11 -aad.

MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada PL.

MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Magacaabay:

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

1. Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye
2. Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin
3. Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin
4. Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin
5. Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaana aqlabiyad ku ansixiyay Guddiga Doorashada.

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII