XASAASI: Dani Alves Oo Qirtay In Uuna Neymar Ku Faraxsanayn PSG & Sababta Oo Uu Sharaxay

0

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa si la yaab leh u qirtay arin ku saabsan mustaqbalka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda ka dhisan caasimada.

Dani Alves ayaa qirtay in uuna xiddiga ay isku dalka yihiin ee Neymar ku faraxsanayn kooxda Paris Saint-Germain ee ku ciyaarta garoonka Parc des Princes.

Xiddiga reer Brazil ayaa u muuqda mid aan ku faraxsanayn kooxda tan ilaa markii ay kooxda PSG sida foosha xun ugaga hadhay tartanka champions League kagana hadhay gacanta Man United.

Laakiin markan ayaa ah markii ugu horaysay ee ay xiddiga ay isku kooxda yihiin sida furan uga hadlay isaga oo qirtay in uu xiddigu ka niyad jabsan yahay fashilka kooxda.

“Neymar wuu niyad jabsan yahay sababta oo ah ma helayo Natiijooyinka uu doonayo”ayuu Alves u sheegay ESPN.

“Aad ayuu uga xanaaqsanyahay waxana uu doonayaa in uu joogo halka ugu saraysa kubada cagta”.

“Sidaas darteed hadii ayna arintaas u suurtagalin waxa iska cad in uuna ku faraxsanayn kooxda”.

“Kuma faraxsana kooxda tan ilaa markii aanan natiijo ka helin kulamada champions League”.

Warkan ayaa heegan galinaya kooxda Real Madrid oo dhabada ugu jirtay waliba raadinasay wado ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Brazil si ay dib ugu celiso La Liga oo uu kaga soo ciyaaray Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here