XASAASI: Ciidan Hubeysan oo ku Wajahan Dhuusamareeb & Xaaf oo loo Galbinayo Gaalkacyo

0

Ciidamo hubeysan oo la sheegay in ay u socdaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor dhow ka gudbay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Ciidankaan ay yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana ay doonayaan in ay Madaxweynaha Galmudug u soo galbiyaan Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ku eedeeyay in ay faragalin ku hayaan maamulka Galmudug, islamarkaana ay doonayaan in ay Carqaladeeyaan Hanaanka Shaqo maamulkiisa.

Qaar ka mid ah Bulshadda Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa kasoo horjeedda Faragalinta dowladda dhexe ee ku aadan doorashadda maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here