Xaqiiqooyinka laga Diiwangaliyay Guul-daradii Manchester United kasoo gaartay Aston Villa

Aston Villa ayaa guushii ugu horreysay ka gaadhay Manchester United oo joogta garoonkeeda Old Trafford tan iyo December 2009. 18 ciyaarood oo aanay ku badin kaddib ayay maanta kusoo heshay saddexda dhibcood.
Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba markii ugu horreysay hal maalin laga wada badiyey tan iyo maalintii sannadka cusub ee 2011.

Ciyaartoydii ceeboobay

Ma jirin ciyaartoy Manchester United ah oo qiimayn fiican ka helay kulanka, waxaase loogu qaatay Raphael Varane oo ahaa ciyaartoyga ugu fiicnaa Red Devils. Toddoba ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa helay qiimayntii ugu liidatay kulanka oo darajadeedu ahayd 5, taas oo ka dhigan inay ahaayeen kuwo iska taagtaagan, caddayna u ah in Aston Villa ay u qalmaysay guusha.

Hore uma dhicin in tiro intan le’eg oo ciyaartoyda Manchester United ah ay qiimayn sidan u liidata helaan.

Xiddigii garoonka

Inkasta oo aanu gool dhalin, haddana McGinn ayaa ahaa ciyaartoyga dhibay difaaca Manchester United, isaga oo kaashanayay Watkins. McGinn ayaa helay qiimayntii ugu sarraysay kulanka oo ahayd darajada 8, waxaanay isku mid ahaayeen Hause oo goolka dhaliyey laakiin waxa la siiyey McGinn.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Man Utd: de Gea 6, Wan-Bissaka 6, Varane 7, Maguire 5, Shaw 5, Fred 5, McTominay 5, Pogba 5, Fernandes 5, Greenwood 6, Ronaldo 5.

Beddelka: Dalot 6, Lindelof 6, Cavani 5.
Aston Villa: Martinez 7, Cash 7, Konsa 7, Hause 8, Mings 7, Targett 7, Ramsey 6, Luiz 7, McGinn 8, Watkins 7, Ings 7
Beddelka: Archer N/A, Buendia N/A

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com