Xaqiijin: Real Madrid oo ku Dhawaaqday Liiska Xidigaha ugu qeyb galaya Champions League

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono Wareega Group-yada champions League waxana uu ku daray Liiska xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Andri Guðjohnsen.

Ancelotti ayaa magacaabay liiska 40-ka xiddig ee hore dhaca ah waxana liiska ku jira xiddigo dhawr ah oo ka soo baxay Akademiyada Ls Blancos.

Xiddiga da’yarka ah ee kale ee ka soo muuqday waxa ka mid ah saxiixa cusub ee Kooxda xagaagii ku soo biiray ee Eduardo Camavinga kaas oo kooxda yimid maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Sidoo kale waxa liiska ku jira xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Andri Gudjohnsen kaas oo kooxda kaga soo biiray Barcelona sanadkii 2013 kuna jiray akademiyada kooxda.

Halkan Hose Kaga bogo Liiska uu Ancelotii soo saaray:

Goolhayayaasha: Courtois, Lunin, Lopez, Voidas.

Khadka Difaaca: Carvajal, Militao, Alaba, Vallejo, Nacho, Marcelo, Mendy, Alacide, Mario Gila, Gutierrez, Ramon, Zamora.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Vazquez, Ceballos, Isco, Camavinga, Blanco, Park, Arribas, Doctor, Gonzalez.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Bale, Jovic, Mariano, Vinicius, Rodrygo, Latata, Aranda, Gudjohnsen.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here