Willian Oo Shaaciyay Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Maanta Uga Maqan Yahay Kulanka Chelsea Ay La Dheeleyso Wolves

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Willian ayaa sharaxay in sababta uu uga maqan yahay kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League ee ay Chelsea la ciyaareyso Wolves inay tahay dhaawac dartiis.

Waxay tani la micno noqon kartaa in xiddiga reer Brazil uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee Blues iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa la ciyaareysa Arsenal finalka FA Cup isbuuca soo socda iyadoo rajeynaya in Willian uu qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Stamford Bridge.

Advertisements

Si kastaba, kuma jirin maanta kooxda Chelsea ee Stamford Bridge kula ciyaareysa Wolves iyagoo u dagaalamaya inay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Ka dib markii markii la shaaciyay shaxda kooxda Blues, Willian ayaa ku soo qoray sidaan:

“Waxaan sameeyay daaweyn ilaa iyo daqiiqadii ugu danbeysay si aan u awoodo inaan garoonka soo galo, laakiin waqtigaan nasiibdarro, suurtogal ma noqoneyso.

“Waxaan tagi doonaa Stamford Bridge si aan u taageero asxaabeyda. Come on Chelsea!”

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa isna yiri: “Willian waa dhaawac, sidaasi darteed waxaa qasab noqotay inay bedel sameyno. Christian Pulisic ayaa ku soo bilowday shaxda laakiin Pulisic wuu ciyaari lahaa labo jeerba. ”

Khabiirka Graeme Souness ayaa ku baaqay in Chelsea ay heshiis seddex sannadood ah ka saxiixdo Willian.

Waxaa la fahamsan yahay in Chelsea ay diyaar u tahay kaliya inay ka saxiixdo heshiis labo sannadood ah halka Willian uu doonayo seddex sannadood.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII