Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Xananbuur iyo Miirjicley ee gobolka Galgaduud.

Labada qof ee la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka loo geystay labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dilal la xiriira aanooyin Qabiil iyo sidoo kale weeraro halkaasi ay ka fuliyaan maleeshiyaad hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here