Weriye la shaqeeya Ciidamada Dowladda oo ku dhintay Qaraxii Alshabab ku qaadeen Awdheegle.

Sida Warkii Online ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Somalia waxaa weerar ismiidaamin ah saakay lagu qaaday saldhig ciidamada Kumaandooska Somalia ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinaca kalana warar hor dhac ah ayaa sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah uu ku geeriyooday Gacal Cabdulle oo ahaa filim qaade ka tirsanaa Idacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah weriyaasha warbaahita Codka ciidamada oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay geerida allaha u naxariistee Gacal Cabdulle oo muuqaalada gaarka ah iyo sawirada u qaadi jiray warbaahintaas.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here