Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday Toorey oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyaro wada-dagan magaaladaasi, kuwaas oo isku adeegsaday Tooreeyo ama Mindiyo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo dhalinyaro ahaa, sida ay Warkii.com u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dhalinyaro ah.

Saraakiisha ayaa ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay daganaan muujiyaan, waxaana ay tilmaameen in qaar ka mid ah dhalinyarada lagu eedeeyey falkaasi ay haatan ku xiran yihiin xasbiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse dadka deegaanka ayaa hadal haya dhacdadaasi oo ah mid ugub ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here