Wayne Rooney Oo Sacab Iyo Saf Sharafeed Ku Soo Dhaweeyay Kooxda Cadowga Ay Yihiin Man United Ee Leeds United

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Wayne Rooney ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa Derby County saf sharafeed iyo sacab ay ku soo dhaweeyeen kooxda ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Ingariiska ee Leeds United, 18 bilood ka dib fadeexadii dhexmartay labada kooxood.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay tababaraha Leeds Marcelo Biesla ayaa xubin ka tirsan shaqaalihiisa tababarka u diray garoonka tababarka si uu u soo basaaso taatikadooda.

Derby, who were spied on by Leeds last season, were forced to give the champs a guard of honour

Derby, who were spied on by Leeds last season, were forced to give the champs a guard of honour

Waxay taasi keentay in kooxda Leeds United lagu ganaaxo 200 kun ginni madaama ay jabiyeen sharciga kubada cagta Ingariiska.

Advertisements

Maamulka horyaalada heerka hoose ee Ingariiska ee loo yaqaano EFL ayaa baaray fadeexadaan ka dib markii uu tababare Biesla uu qirtay inuu basaasay dhamaan kooxihii ay iska horyimaadeen.

Leeds ayaa la ganaaxay ka dib markii madaxda Derby ay garoonkooda tababarka ku qabteen basaas ka socday Leeds United.

Tababaraha Leeds Bielsa ayaa mas’uuliyada fadeexadaan qaatay iyadoo kooxdiisa ay 2-0 ku badisay maalintaas.

Macalinka reer Argentina ayaa sheegay inuu u maleynayay inaysan danbi aheyn inuu basaaso kooxaha kale inkastoo tababarihii markaas ee Derby Frank Lampard uu si weyn uga carooday.

Derby captain and former Manchester United star won't have been too happy serenading Leeds

Derby captain and former Manchester United star won't have been too happy serenading Leeds

Derby ayaa ka dib ka aargudatay Leeds iyagoo ku garaacay labadii kulan ee Play-offska.

Laakiin waxaa finalkii ka badisay Aston Villa kuwaasoo u soo gudubtay Premier League.

Maanta kulankii garoonka Pride Park, Rooney oo u soo ciyaaray kooxda ay Leeds cadowga yihiin ee Man United ayaa lagu qasbay inuu ixtiraamo kooxda hanatay horyaalka heerka labaad.

Rooney iyo xiddigaha Derby County ayaa sacab iyo saf sharafeed ku soo dhaweeyay Leeds United oo shalay la xaqiijiyay inay hanatay horyaalka heerka labaad ka dib markii Brentford ay guuldarro ka soo gaartay Stoke City.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII