Wayne Rooney Oo Ka Cabsanaya Inay Ceeb Ka Soo Raacdo Dacwada Maxkamadeed Ee U Dhaxeeysa Xaaskiisa Iyo Xaaska Jamie Vardy

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Wayne Rooney ayaa la sheegayaa inuu ka cabsanayo inay ceeb iyo dhibaato u soo jiido isaga iyo xaaskiisa Coleen dagaalka maxkamadeed ee ay kula jiraan xaaska xiddiga Leicester City Jamie Vardy oo lagu magacaabo Becky.

Wayne Rooney iyo xaaskiisa Coleen ayaa walwal ka qaba in noloshodoa gaarka ah lagu dhax falanqeeyo maxkamad furan.

Wararka ayaa sheegaya in kabtankii hore ee xulka England Wayne Rooney oo 34 sanno jir ah inuu rajeynayay in dagaalka Coleen iyo Becky Vardy uusan gaarin heer maxkamadeed laakiin waxa uu fahamsan yahay in xaaskiisa ay gadaal u degi doonin sidaasi darteed uu taageero buuxda u muujin doono.

Advertisements

Coleen ayaa wacad ku martay inay soo istaagi doonto maxkamada iyadoo aaminsan inaan wax danbi ah lagu heli doonin.

Laakiin lamaanahaan ayaa ka baqaya in sumcadooda dhulka lagu jiido oo maxkamada laga hor akhriyo arimo qarsoodi u ah iyaga,.

Ilo ku dhow lamaanahaan oo u hadlay The Sun ayaa yiri: “Wayne wuxuu aaminsan yahay in arintaan ay fogaatay, wuxuuna ka cabsanayaa inay gaarto heer maxkamadeed.

“Wuxuu ka baqayaa inay ceeb ku noqoto isaga iyo qoyskiisa waxa ka soo baxa maxkamada. Laakiin wuxuu ogyahay sida ay muhiim ugu tahay Coleen, wuuna taageeri doonaa”

Xaaska Jamie Vardy oo lagu magacaabo Becky ayaa u bandhigtay qoyska Wayne Rooney inay ka laaban doonto dacwadeeda maxkamadeed haddii Coleen ay raaligelin saxaafada ah ka bixiso eedeynteedii aheyd inay iyadu warar hoose oo xan ah u dhiibi jirtay warbaahinta. Laakiin xaaska Rooney ayaa diiday inay raali gelin bixiso.

Mar sii horeysay xaaska Rooney ayaa baraha bulshada ku soo qortay in Becky Vardy ay tahay qofka wararka nolosheeda ku saabsan siin jirtay warbaahinta halka eedeyntaas ay si weyn u beenisay xaaska Jamie Vardy.

Becky Vardy ayaa aaminsan in meel looga dhacay magaceeda iyo sumcadeeda, waana sababta ay maxkamad uga dacweysay xaaska Rooney.

Laakiin Coleen Rooney ayaa weli ku adkeysaneysa in warar nolosheeda gaarka ah ay ka qortay jariirada The Sun inay ogeyd kaliya Beck Vardy oo ay saaxiibo ahaayeen, islamarkaana ay xitaa ku tijaabisay inay u sheegto warar been sir ah kuwaasoo warbaahinta ay sidoo kale soo daabacday.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII