Waxaa hada socda kulankii ugu horeeyay Dowlada Goboleedyada & DFS

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Kulankii u horreeyay oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa xilligan ka socda Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb.

Kulankan oo ah mid hordhac ah ayaa ka socda Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, iyadoo kulankan uu ka dambeeyay kulamo hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay si gaar gaar ah ugu dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan hordhaca ah looga hadlayo is fahamka guud ee shirka soo socda, waxaana shirkan yahay mid albaabada u xiran.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in ujeedku yahay ka tashiga shirka soo socda iyo sidii iyadoo lagu mideysan yahay ajandayaasha shirka sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb 2.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Waxaa hada socda kulankii ugu horeeyay Dowlada Goboleedyada & DFS appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII