Wax yaabaha looga hadlay Kulamo Xasaasi ah oo ka dhacay Caasimada Dhuusomareeb

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxa kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada Maamulka Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay, Xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi,Siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid Magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb uyo deegaano kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal looga gaari laha kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex-gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlsunna, qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo dhismaha Galmudug mideysan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada inta badan la isku afgartay,hayeeshee Maalinta berito ah kulamo kale ay ka dhici doonaan Magalada Dhuusamareeb, iyada oo sidoo kale la filayo in dhawaan Dhuusamareeb in uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here