Wasiiru Dowle ka tirsan Dowladda UK oo Muqdisho kula kulmay Ra'iisal wasaare Kheyre

Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa ka haday taageerada dhaqaale ee UK siiso dowladda Somalia, isagoo sheegay in ku faraxsan yahay inuu Raiisal wasaare Kheyre la kulmay, ayna ka wadahadleen xaaladda bani’aadamnimo ee Somaia, horumarka dib u habeynta Dastuurka, dowladnimada iyo dib u habeynta dhaqaalaha ee muhiimada ay siineyso dowladda Somalia.

Andrew Stephenson ayaa ku dhawaaqay inay UK kordhineyso taageerada iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya si wax looga qabto xaaladaha ka dhashay cimilada is bedeshay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here