Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo maanta hor tagaya golaha shacabka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wargeliyey inuu jiro kulankii guud ee golaha.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Xog- wareysiga ama su’aalo weydiin ku wajahan wasiirrada amniga iyo duulista hawada oo maanta lagu wado inay hortagaan golaha.

Horay ayuu goluhu uga dalbaday wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar inay hor yimaadaan, si wax looga weydiiyo arrimo dhowr ah oo dalka ka dhacay.

Xubno ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa noo sheegay inta badan su’aallo wey diinta labadaasi wasiir inay ku saabsantahay xayiraadii dhanka duulimaadka ee la saaray magaalada Kismaayo iyo sidoo kale cidda amartay tii garoonka Aadan Cadde loogu geystay wafdi ku wajahnaa Kismaayo oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here