Wasiirka Goodax Barre oo gaaray Magaalada Beledweyne

0

Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Xubnaha uu hoggaaminayo mudane Cabdullaahi goodax Barre waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Beledweyne.

Inta ay joogaan waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada,iyagoo uu kuurgalaya xaalada halkaasi ka jirata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here