Wasiir Cawad Oo Ka Hadlay Ciidankii La Sheegay in La geeyey Liibiya

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dawlada Soomaaliya ayaa ka hadashay warar la isla dhexmarayey oo ahaa in ay jiraan Ciidamo Soomaaliyeed oo Liibiya loo geeyey inay dagaalamaan.

Guux iyo Fal celin badan ayaa ka timid oo arintaas la xiriirta,taas oo badi dadku shegeeen in ciidanka Soomaaliyeed Ee Liibiya Dabka lagu gurayo ay mudnaayeen in Soomaaliya ay nabad gelyadeeda ka qeyb qaataan.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay wararkaas la isla dhex qaaday isagoo been abuur ku sheegay warkaasi.

“Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”, ayuu yiri Wasiirka Wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ah ee BBC.

Waxa tani ay muujineysaa in waxba kama jiraan noqday Hadalkii 48 Saac lasoo dhaafay la hadal hayey,taas oo ugu dambeeyn waxba kama jiraan laga dhigay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII