Wasiir Beyle Oo Hordhigay Hal Codsi Muhiim Ah Safiirka Midowga Yurub

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga oo ay wada shaqeyn buuxdo ka dhaxeyso.

Wasiir Beyle iyo Amb. Nicolas Berlanga ayaa ka wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Taageerada Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada Midowga Yurub mar kasta la garab taagan tahay Soomaaliya.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII