Wasaaradda arrimaha gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

Guddigaan ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 Xubnood.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Guddiga ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, ku xigeenka iyo xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in guddigaan la Magacaabey laga sugayo Go’aanadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here