WARKII LA SUGAYAY: Jurgen Klopp Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Ka Tegayo Liverpool, Shaqada Lala Sugayo Ee Xulka Germany & Qorshihiisa Mustaqbalka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday waqtiga uu qorshaynayo inuu ka tago shaqada Liverpool ee uu dib ugu laaban doono waddankiisa Germany oo la sheegayo in lala sugayo tababarenimada xulka qaranka dalkaas.

Tababare Klopp oo ku hoggaamiyey Liverpool horyaalkii ugu horreeyey muddo soddon sannadood ah, Champions League iyo koobab kale oo soo raacay, waxa uu shan sannadood ka hor xilka tababarenimada ka beddelay Brendan Rodgers, waxaana xilli mugdi la gelinayay mustaqbalkiisa uu qalinka ku duugay December 2019 heshiis cusub oo soconaya illaa 2024.

Halyeygii khadka dhexe uga ciyaari jiray Liverpool iyo Germany ee Didi Hamann ayaa usbuucan sheegay in Jurgen Klopp lala sugayo shaqada xulka qaranka Germany oo ay isaga meel u taallo, laakiin kaliya aan la hubin waqtiga uu soo afjarayo waayihiisa heerka kooxeed ee uu u lug baxayo shaqada caalamiga ah.

Hamann waxa uu ku dooday in Klopp jecel yahay shaqooyinka maalinlaha ah ee lagu dhex jirayo ciyaartoyda, taas oo kaliya uu ka helayo naadiyada maadaama xulka qaranka ay suurtogal tahay in muddo saddex bilood ah aanu wax shaqo ah qaban.

Warbaahinta SWR Sports ayaa la xidhiidhay tababare Jurgen Klopp, si ay wax uga weydiiyaan arrintan, waxaana la weydiiyey haddii uu ku laabanayo, waxaanu ku jawaabay: “Xaqiiqdii waan ku noolaan doonaa, kaddib xirfaddayda. Waxa olaga yaabaa inay xataa noqoto Mainz.”

Mar la weydiiyey muddada uu uu sii joogi doono Anfield ka hor inta aanu Jarmalka u dhaqaaqin, waxa uu ku jawaabay: “Afar sannadood ayaan joogayaa Liverpool.”

Tababare Klopp waxa uu intaas kaddib ka sheekeeyey sida uu yahay qorshihiisu marka uu ku laabto waddankiisa Germany, waxaanu yidhi: “Sannadka ugu horreeya waxba ma qaban doono.”

Laakiin arrinta walaaca leh ee uu meesha keenay Klopp ayaa  waxay tahay inay suurtogal tahay inuu gebi ahaanba hawlgab ka noqdo kubadda cagta oo uu joojiyo shaqada tababarenimada, waxaanu yidhi: “Shan sannadood wax badan baa dhici karaya, dunida ayaa gebi ahaanteed ba si ka duwan hadda noqon karta mar kale.”

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII