Warbaahinta Ingiriiska oo Cimaamada ku tuuray Cristiano Ronaldo, kana Hadlay Halista Man United ee Sanadkan

Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisa ugu horeeyay labo gool ku daah-furay kooxda uu noloshiisa kasoo bilaabay ee Man United halkaasi oo ugu danbeesay 12 sano ka hor.

Gool uu dhaliyay qeybta hore iyo Gool kale uu ku daray qeybta labaad ee Ciyaarta ayaa ka dhigay in Ronaldo uu fariin u diro kooxaha Horyaalka Premier League.

arintaasi ka sokow warbaahinta Ingariiska oo maalmihii u danbeeyay tooshka ku ifinayay Xidigan 36 sano jirka ah da’ahaantiisa waxa uu ka qaban karo Horyaalka ayaa hada dib uga qoray warbixino ay ku muujinayaan halista kasoo socota Kooxda.

Warbaahinta ugu weyn ee dhanka ciyaaraha ayaa sheegay in fariinta Ronaldo ay tahay mid cad isla markana halis kasoo socoto kooxda Manchester United.

Waxay qaarkood baahiyeen in Horyaalka Sanadkan uu noqonayo midka ugu adag marka la eego Kooxaha waaweyn ee aadka isku soo dhisay iyo waxa laga filan karo.

ugu danbeyn ayay sheegeen in Man United ku soo laabatay kooxda lagu yaqiinay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com