Warbaahinta Dawlada Oo Ka Baxday Awoodii Wasiir Maareeye

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Mar kasta oo marxalad kala guur ah la galo waxaa la ogaadaa Halka ay hoostagto Warbaahinta Dawlada Soomaaliya,iyadoo laga digo in dhinac gaar ah adeegsado.

Sida Telefishinka Qaranka laga arki karay waxa uu baahiyey Warbixinada kusaabsan Codka Kalsoonida lagala noqday Xukuumada Ra’iisal Wasaare Kheyre Hogaaminayey.

Waxa la sheegay in Awoodii Warbaahinta Qaranka laga gacan bixiyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Ma cada sida xaalada Dalka ee siyaasad ahaan sii noqon karo,iyadoo la dhowrayo warka uu shaacin doono Mudane Xasan Cali Kheyre oo Muqdisho kusoo wajahan.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII